Dowladda Ruushka ayaa markale codkeeda ‘Diidmada Qeexan’ ee Veto-ga loo yaqaano Ku hor istaagtay qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ay Ku doonayeen in guddi madaxbanaan ay ugu saaraan baaritaanka hubka Kiimakada ah ee la sheegay in lagu isticmaalay magaalada Duma, oo Ku taala Bariga Ghouta ee dalka Suuriya.
Qaraarka Ruushka uu diiday ayaa waxaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay hor keentay dowladda Faransiiska.
Diidmadan Ruushka ayaa timid ka dib markii Golaha ay isugu yimaadeen shirkoodii Lixaad ee deg dega ahaa ee ay kaga hadlayeen weerarkii Sunta ahaa ee ka dhacay magaalada Duma, kaasi oo la sheegay in lagu dilay in ka badan 85 qof oo u badan carruur iyo haween.
Weerarka Sunta ahaa ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambaysay dowladda Suuriya ee uu horkacayo madaxwaynaha dalkaasi Bishaar al-Asad, waxaana weerarka uu dhacay 7-dii April, ee aynu Ku guda jirno.
Dowladda Suuriya ayaa beenisay inay isticmaashay hub kiimako ah, hase ahaatee waxaa ay Xukuumadda Dimishaq la kulantay weerar bombaano oo maraakiibta iyo diyaaradaha dowladaha Maraykanka, UK iyo Faransiiska.
Diidmada Ruushka ee samaynta guddi madaxbanaan ee weerarka Duma ayaa waxaa uu imaanaya maalin un ka dib markii baarayaasha Caalamiga ah ee ka socda hay’adda Adduunka u qaabilsan Faafreebka Hubka Kiimakada ah ee (OPCW) ay galeen magaalada Duma oo halka weerarka sunta ah uu ka dhacay.