Ruushka oo Mareykanka uga digtay qorshaha tartan dhanka hubka

1242

Ruushka ayaa sheegtay in hindisaha cusub ee Marrykanku uu ku doonayo inuu ku dhiso gantaalo dhanka hawada sare ah ay keeni karto tartan dhanka hubka oo dhex mara Mareykanka iyo Ruushka.

Fulinta hindisaha uu dhawaan Madaxweynaha Mareykanka daboolka ka qaaday ayaaa Ruushku ka digay in ay horseedi karto tartan dhanka hubka oo khatar galin karta amniga iyi xasilloonida dunida. Sidaas waxaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka.

War ka soo baxay dalka Ruushka ayaa imaanaya maalin kaddib markii Madaxweyne Trump uu daaha ka qaaday qorshe difaac oo lagu dhisayo gantaalo dhanka hawada sare ah oo awood u leh in ay qaban karaan gantaalada lagu soo gano dalka Mareykanka.

Mahsruucaan uu daahfuray Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa  kale oo ku jira sahminta qaabab kale oo lagu qaban karo gantaalada ay ku jiraan kuwa hawada sare.

Ruushka ayaa hindiseyaasha Mareykanku ku doonayo dhisamaha gantaalo dhanka hawada sare ku tilmaamay mid  khilaaf horseedaya khatarna ku ah nabadgelyada adduunka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa ugu baaqday Mareykanka in ay ka waantoobaan falalka khatarta galin kara nabadgalyada adduunka, taas badalkeedana ay galaan wada xaajood wax dhisaya.

Mashruucaan cuusb ee Mareykanku bilbaabay ayaa imaanaya iyada oo Mareykanku uu marar badan ku celceliyay in ay ka baxayaan heshiiskii dhanka gantaalaha oo ay horay ugula jireen dalka Ruushka.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka in ay jabiyeen heshiiskii diidayay in gantaalaha ridada dhexe la adeegsado iyada oo Ruushka loo qabtay lixdan bari oo haddii aysan ku burburin gantaalaha heshiiskaas jabinaya Mareykanku sheegay in ay ka baxayaan heshiiska.