Ruushka oo Maraykanka ku eedeeyay inuu kala jarayo Suuriya

701

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ruushka Sergey Lavrov, ayaa eedayn usoo jeediyay dowladda Maraykanka.

Sergey Lavrov, ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay doonayso inay kala qaybiso dhulka Suuriya islamarkaana Xukuumadda Washington ay qayb wayn ka tahay dhibaatada daba dheeraatay ee ka taagan dalka Suuriya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ruushka ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Moscow ee  caasimadda dalkaasi Ruushka xili uu warbaahinta la hadlay.

Magaalada Moscow ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay shir looga hadlayo collaadda 7-sano jirsatay ee ka taagan dalka Suuriya, kaasi oo ay sheegeen wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Ruushka, Iiraan iyo Turkiga.

Dhammaan dowladahan Saddexda ah ayaa waxaa ay ka mid yihiin quwadaha Ku lugta leh collaadda dalka Suuriya.