Ruushka oo ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee Mareykanka kala dhaxeeyay

654
Ruushka oo ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee Mareykanka kala dhexeeyay. Sawirka: Reuters

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa gabi ahaanba hakiyay in Ruushku uu qayb ka sii ahaado heshiiska Nukliyeerka ee kala dhaxeeyay Mareykanka kaddib markii Mareykanku uu maalin ka hor ku dhawaaqay inuu ka baxayo heshiiska muddo lix bilood gudahood ah haddii uusan Ruushku burburin gantaalaha uu sameystay.

Heshiiskii xadida gantaalaha qaadi kara madaxyada Nukliyeerka ee ay labada dal kala saxiixdeen sannadkii 1987-kii ayaa waxaa uu Yurub in badan ka badbaadiyay gantaalaha ridada dhexe iyo kuwa kale ee qaadi kara madaxyada hubka halista ah ee Nukliyeerka.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa in badan isku eedeeyay in midkood uu heshiiska jabinayo oo gantaalo qarsoodi ah dhisanayo, waxaana si rasmi uu dagaalka bannaanka ugu soo baxay jimicihii markii xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo uu sheegay in Mareykanku uu hakinayo heshiiska nukliyeerka haddii Ruushka uu lix bilood gudahood ku burburin waayo gantaalaha Mareykanku tuhmayo in ay halis ku yihiin oo ay baal marsanyihiin sharciga.

Madaxweyne Trump  ayaa sheegay in Mareykanku uu ugu diyaar garoobayo si jawaab milatari uga bixin lahaa gantaalaha Ruushku geeyay xuduudaha dalalka qaar ee Yurubta Galbeed.

Dhanka kale Madaxweyne Putin oo kulan Telefishinka laga baahiyay la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Sergey Lavrov iyo wasiirka difaaca ayaa sheegay in Ruushku uu sameyn doono sida Mareykanku sameeyay, sidoo kalena ay bilaabi doonaan baaritaan cilmiyeysan sida ay Mareykankuba ay bilaabeen. Putin ayaa amray ciidanka Milatariga Ruushka in ay sameeyaan hub cusub oo horay aan loogu ogoleyn heshiiskii hore. Madaxweyne Putin ayaa tilmaamay in aysan wax gantaalo ah geyn doonin xuduudaha dalalka Yurub

Mareykanka iyo Ruushka ayaa hadda waxaa laga cabsi qabaa in uu dhexmaro tartan dhanka hubka ah maadaama ay ka baxeen heshiiskii diidayay in ay labada dhinac ku tartamaan hubka.