Ruushka oo dalkeeda ka Eryaysa 23 Diblumaasi oo UK u dhashay

949
Dhismaha Safaaradda UK ay Ku leedahay magaalada Moscow

Dowladda Ruushka ayaa goor dhow Ku dhawaaqday in dalkeeda ay ka eryayso  23 diblumaasi oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Wasaaradda Arrumaha Dibadda dalka Ruushka ayaa waxaa ay sheegtay in 23 ka mid shaqaalaha Safaaradda UK, ee magaalada Moscow dalka ay ka baxayaan muddo Isbuuc gudahood ah.

Talaabadan ayaa Ruushka waxaa ay jawaab uga dhigayaan tii ay horay u qaaday xukuumadda London.

UK, ayaa dalkeeda ka eriday 23 diblumaasi oo u dhashay dalka Ruushka ka dib markii ay Ruushka Ku eedeeyeen inay Sumeeyeen nin hore ugu shaqayn jiray Sirroonka dalka Ruushka iyo sidoo kale UK kaasi oo lagu magacaabo Sergei Skripal.

Mr. Sergei Skripal oo 66 sank jir ah iyo gabadhiisa ayaa Ku xanuunsanaya dalka UK, ka dib markii la sumeeyay.