Hoggaamiyaasha Turkiga iyo Ruushka ayaa yeeshay wadahadallo sare loogu qaadayo wada shaqeynta dhanka wax soo saarka difaaca. Arrintaan ayaa imeneysa iyada oo labada dal ay ku kala aragti duwanyihiin xaaladaha gobolka waqooyi galbeed Suuriya ee Idlib halkaas oo tan iyo bishii April ee sanadkaan uu ka socdo hawlgalo militari oo dowladda Suuriya ee Ruushku taageero ay ka fulineyso gobolkaas.
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa talaadadii ku kulmay magaalada Moosko ee dalka Ruushka, ka gadaal weerar ay sheegtay dowladda Turkiga in loo geystay baro ilaalo oo ay ku leedahay gudaha dalka Suuriya. Dowladda Turkiga ayaa ku eedeeysay maamulka Suuriya in ay hareereeyeen bar ilaalo oo Turkigu leeyahay, sidoo kalena ay weerareen kolnyo ciidan oo Turki ah.
Isaga oo dhinaciisa uu taaganyahay Madaxweyne Putin ayuu Madxweyne Erdogan warbaahinta u sheegay in gulufka dowladda Suuriya uu keenay in qalqal ku yimaado xasiloonidii gobolka Idlib oo in badan deganaa tan iyo markii labada dhinac oo kala taageeraya mucaaradka iyo dowladda Suuriya ay isku raaceen sanadkii hore in gobolka Idlib loo badalo goob dagaalka ka caaggan.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in aan la aqbali Karin in ciidanka Suuriya oo iska dhigaya kuwa la dagaalaya argagixiso ay duqeymo indho la’aan u geystaan dadka shacabka ah. Ma dooneyno in y sidaas sii ahaato, dhammaanna tallaabooyinka laga maarmaanka ah waa qaadeynaa Madaxweyne Erdogan ayaa intaas ku daray in xaaladda gobolka Idlib ee dalka Suuriya ay faraha ka baxday, taasna ay halis galisay ciidankooda ku sugan gobolkaas.
Dhankiisa Madaxweyne Putin ayaa sheegay in labada dhinac ay isku raaceen in tallaabooyin dheeri la qaado si loo dajiyo xaaladda gobolka Idlib, hase ahaatee Madaxweyne Putin wax faahfaahin ah kama bixin tillaabooyinka la qaadayo nuuca ay yihiin.
Madaxweyne Putin ayaa dhanka kale sheegay in ay walaac ka qabaan aagga dagaalka ka caaggan oo uu sheegay in marar badan weerar looga soo qaado ciidamada Suuriya iyo kuwa Ruushka. Putin ayaa ugu baaqay dowladda Turkiga in ay meesha ka saarto weerarada uga imaanaya maamulka Suuriya iyo Ruushka. Putin ayaa dhiggiisa Turkiga u sheegay in Ruushka aysan marrnaba dooneyn in aaggaas uu gabbaad u noqdo argagixisada.
Iskaashiga difaac ee labada dal
Turkiga iyo Ruushka ayaa inkasta oo ay ku kala duwanyihiin arrimaha Suuriya ayaa haddana waxa ay heshiis ka gaareen dhanka tamarta iyo difaaca. Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u booqday bandhig diyaaradeed oo lagu soo bandhigay diyaarad ciidanka Sukhoi-Su 57 .
Turkiga ayaa qaaday tallaabo kale oo laga yaabo in ay sii xumeyso xiriirka ka dhaxeeya dalka ay xulafada yihiin ee Mareykanka kadib markii Turkigu qaatay qaybtii ka dhinneyd gantaalaha difaaca cirka ee Ruushku sameeyo ee S-400.
Mareykanka ayaa si weyn uga horyimid iibsashada Turkiga ee gantaalaha S-400 sababo la xiriiro in ay halis ku yihiin difaaca isbaheysiga Nato. Mareykana ayaa horay ugu hanjabay in Turkiga ay cunoqabateeyn saari doonaan, hayeeshe wali Mareykanku kama dhabbeyn wallow ay ka saareen Turkiga liiska dalalka iibsanaya diyaaradaha f35. Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dalkiisu uu meel kale u raadsanayo diyaaradahaan.