Rugta Ganacsiga oo ka jawaabtay warka ka soo baxay Wasaarada Ganacsiga

1229

Agaasimaha Rugta ganacsiga Soomaaliya Cabdi Abshir Dhoore oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta ay Muqdisho ku leeyihiin ayaa si deg deg ah uga hadlay qoraal ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya oo ahaa in la kala diray Rugta.

Agaasimaha  ayaa sheegay in arrintan ay goor dhow maqleen, waxaana uuna tilmaamay in haba yaraatee aysan jirin wax wargalin ah oo ay Wasaaraddu la soo sameysay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

“Rugta Ganacsiga Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay bulshada rayidka, mana ahan hay’ad ay dowladda leedahay oo wixii ay dowladda rabto ay ka sameysan karto” ayuu yiri Agaasimaha Rugta Ganacsiga  Cabdi Abshir Dhoore.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Rugta Ganacsiga markii madaxdeeda la dooranayay ay goobjoog ahaayeen Wasiirro ka tirsan Xukumadda oo uu ku jiray Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshaddaha ee Xukumadda Soomaaliya, Ra’isul wasaarahana uu aqoonsan yahay .

“Waxaa layaab nagu noqotay Rugtii Ganacsiga oo ay xukumaddii aqoonsaneyd in hadda uu Wasiirka Ganacsiga soo saaro Wareegto sheegeysa in aysan aqoon saneyn Rugta ,anagana waxaa qasab nagu noqtay in aan ka jawaabno Warkaas”ayuu yiri Agaasime Cabdi Abshir Dhoore.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in ay fiicnaan laheyd in Rugta ganacsiga iyo Wasaaradda ganacsiga ay ka wada hadlaan arrintan, inta aan Wareegtadan la soo saarin, kaliya anaga waxaan u baahanahay Wada shaqeynta aan la leenahay xukumadda, laakiin waxaan idiin sheegayaa in Rugta Ganacsiga ay tahay mid ka madax bannaan dowladda ,maxaayeelay waxaan ka tirsan ururada bulshada rayidka “ ayuu Shirkiisii Jara’id ku yiri.

Agaasimaha Rugta Ganacsiga ee Soomaaliya Cabdi Abshir Dhoore ayaa Wariyeyaasha u sheegay ka hor inta aysan qaban shirka Jara’id in ay ka shirayeen Dhismooyin ay Rugta ganacsiga ku sameyneyso Wadooyin Muhiim ah, kuwaas oo laga sameynaayo Wado gasha Hobyo, midda aadaa Bari iyo Wadada dheer ee isku xirta Afgooye iyo Muqdisho.

Ugu dambeyn Agaasimaha Rugta Ganacsiga ayaa saxaafadda u soo bandhigay warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo lagu aqoonsanayo Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo bishii March ee sanadkan Guddoomiyaheeda Maxamed C/kariin Gabeyre dib loo doortay.