Roobab xooggan oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho

1457
Roobkii xalay ilaa saaka ka da'ayay magaalada Muqdisho ayaa samayn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka dadweynaha. Sawirka: UM

Muqdisho (UM) – Waxaa magaalada Muqdisho ka da’ay roobab xooggan oo xalay abaaro 1-dii bilowday.

Roobka ayaa sacaadihii ugu dambaysay sii xoogaystay, isagoo saamayn xoogaan ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka dadweynaha ee iskaga kala goosha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Roobkii xalay ilaa saaka saacadihii hore ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa waxaa ka dhashay daadad xoogan oo xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Roobka ayaa hakiyay itimtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee shalay ka bilowday magaalada Muqdisho.

Waddooyinka aadka uu roobku u sameeyay oo biyaha ay xireen ayaa waxaa ka mid waddada Maka almukarama ee aada Garoonka diyaaraha ee Aden Cabdulle iyo dhawr ka mid isgooysyada muhiim ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa biyaha roobka ka dhashay ay ku rogmadeen oo buuxa dhafiyeen waraha ama togag biyaha ay farristaan ee degmooyinka Gobolka Banaadir, sida Hodan, Waaberi iyo Warta Nabadda.

Waxaa socda gurmad uu hormuudka yahay Maamulka Gobolka Banaadir kaasi oo daadadka roobka ka dhashay ay ku soo rogmaday xaafadaha looga saaray. Inta badan roobabka ka da’ magaalada Muqdisho ayaa saamayn ku yeesha dadka barakacayaasha iyo kuwa danyarta ah.