Roob dad badan ku laayay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo

674

Wararka laga helayo magaalada Kinshasa, ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee bartamaha qaaradda Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in roobab mahiigaan ah oo tan iyo bilowgii bishan ka da’ayay magaalada ay galaafteen nolahasha dad ka badan 45 qof.

Dhimashada dadkan ayaa ka dhashay daadad baaxad leh iyo dhul go uu keenay roobka mahiigaanka ah.

Daadadka ayaa sidoo kale dumiyay guriyaal fara badan oo ay deganaayeen dadka saboolka ah ee dalka Congo.

Hay’adda Laanqayrta Cas ayaa xaqiijisay in 45 dad ka badan ay dhinteen in ka badan 5,000 oo qofna sidoo kale ay barakaceen.

Daadadka ayaa inta badan galay guryo Ku yaala caasimadda Kinshasa, kuwaasi oo qaaday agabka dadku ay Ku noolaayeen.

SHARE