Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan golahiisa wasaarada ayaa gaaray maanta maagaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya. Ra’iisal waasare kheyre ayaa waxa ku soo dhaweeyay magaalada Baydhabo Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif xasan Sheikh Aadan iyo xubno ka tirsan Xildhibaannada Koofur Galbeed.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inuu horu dhac u yahay shirka Khamiislaha ee Golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomalaiya oo maalinta berri ah lagu qaban doono magaalada Baydhabo.
Shirka Golaha wasiirada ayaa horey loogu qabtay xarunta Maamulka Jubbaland ee magaalada kismaayo.