Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka, Rex Tillerson ayaa howlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ( African Union Mission in Somalia) weydiisatay in ay ku sii nagaadaan dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in wali ay Soomaaliya ka jirto khatarro dhinaca nabad-galyada ah islamarkaana ay muhiim tahay in AMISOM wali ay baaqi ku sii ahaato dalka dagaalladu ay halakeeyeen ee Soomaaliya
Mareykanka ayaa sheegtay in aysan habooneyn in ciidamada AMISOM ka baxaan dalka Soomaaliya xili Al-shabaab ay kordhayeen weerarrada Isqarxinta ah inkastoo ay jiraan hormarro la taaban karo oo la gaaray tan iyo intii jiray howl-galka midowga Afrika ee AMISOM.
‘’Ma taageerneyno in ay hadda ka baxaan ciidamada AMISOM dalka Soomaaliya, ilaa awood u yeeshaan ciidamada dowladda Soomaaliya hanashada Amniga gudaha’’ sidaa waxaa yiri Wohlers Marion, oo ah sarkaal sare ka tirsan xafiiska arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Madaxa AMISOM, islamarkaana ah wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, ayaa dhawaan sheegay in dabayaaqada sanadkan Soomaaliya ay ka bixi doonaan ilaa iyo 1,000 Askari oo AMISOM ka tirsan.
Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanadkan qaraar ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ciidamada AMISOM si tartiib tartiib ah Soomaaliya looga saarayo.
Qaraarka Golaha Ammanka waxaa uu sheegayay in dhammaadka sanadkan 1,000 askari oo AMISOM ah laga saaro Soomaaliya.
Shaqada AMISOM waxaa ay ku eg tahay bartamaha sanadkan soo aadan ee 2018 ka, waxaana ay noqonaysaa inay dalka ka baxaan ama Golaha Ammanka waqtiga uu mar kale u kordhiyo.