Rai’sul wasaarihii hore ee dalka Britain Gordon Brown ayaa sheegay in dowladda UK lagu marin haabiyay in madaxwaynihii hore ee Ciraaq uu haystay hubka wax gumaada ee Niyukleerka.
Mr Brown ayaa sheegay in ka hor inta aysan UK ku biirin dagaalkii Ciraaq sirdoonka Mareykanka aysan Britain la wadaagin macluumadka la xiriira hubka wax gumaada ee Ciraaq lagu tuhmayay.
Hogaamiyihii hore ee xisbiga shaqaalaha Gordon Brown ayaa yiri “si khaldan wax noogulama sheegin ee waa nala marin habaabiyay .
Mr Brown ayaa sheegay in macluumaadkan uu ogaaday markii uu xafiiska baneeyay.
Dagaalkii Ciraaq oo ahaa mid ay ra’yi ahaan ku kala qaybsameen dadka Ingiriiska ayaa bilaabmay bishii March sanaddii 2003.
Dagaalkaasi markii uu dhamaday waxaa dalka UK uga dhimatay 179 askari oo familadi ay ka baxeen askartaasi qaarkood qoomamo ka muujiyeen marin habaabinta lagu sameeyay caruurtooda.
Dowlada UK ayaa ku biirtay isbahaysigii uu Mareykanka hogaaminayay ee duulaanka ku qaaday Ciraaq, waxa ayna labada dal ku eedeeyeen hogaamiyihii Ciraaq ee xiligaasi Sadaam Xuseen in uu haysto hubka sida wayn wax u gumaada ee Niyukleera.
Waxa ay sidoo kale xilligaasi Saadaam ku eedeeyeen in uu xiriir la lahaa kooxo argagixiso ah.
Sirdoonka Britain ayaa laga soo bilaabo sanaddii 2002, oo ay rai’sul wasaarayaal ahaayeen Tony Blair iyo Mr Brown,waxa ay sheegayeen in Ciraaq ay awoodo samaysashada hubka Niyukleerka.
“Waxaa la ii sheegay in ay ogaayeen halka uu hubkaasi yaallo,” ayuu qoray Mr Brown.
“Waxa aan xusuustaa in aan ka fikirayay xilligaasi in ugu yaran ay ii sheegi karaan magaca wadada iyo goobta uu yaallo.”ayuu intaa ku daray mr Brown.
Xigasho: BBC