Ra’iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi oo isbitaal la dhigay

307
Ra'iisul wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi oo isbitaal la dhigay. AFP

Milan: Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi, oo jira 83 ah, ayaa xalay ku hoyday isbitaal ku yaal magaalada Milano si baaritaan loogu sameeyo kadib markii laga helay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’.

Xisbigiisa garabka midig ee Forza Italia ayaa sheegay in xaaladiisa aysan aheyn mid walaac laga muujiyo, “uuna wanaagsan yahay”.

Maalqabeenkan saxaafadda iyo laba carruur ah oo uu dhalay ayaa laga helay fayraska Arbacadii ka dib markii ay fasax ku qaateen Sardinia, halkaas oo heerka faafintaanka cudurka Corona Fayras uu ka badan yahay inta badan Talyaaniga.

Maalintii Khamiista wuxuu joogay meel u dhow magaalada Milano.

“Cusbitaal dhigis yar oo taxadar leh ayaa loo baahday si loola socdo xaalada Covid-19 laakiin wuu fiicanyahay,” ayay tiri senetarka Licia Ronzulli oo ka tirsan xisbigiisa Forza Italia.

Berlusconi waxaa loo wareejiyay qayb ka mid ah qeybta karaantiilka ee isbitaalka San Raffaele habeenimadii Khamiista, waxaa laga soo qaaday aqalkiisa oo ku yaal Arcore, oo woqooyiga ka xigta magaalada Milan.

Mar sii horeysay dhakhtarkiisa gaarka ah Alberto Zangrillo wuxuu ku sifeeyay inuu yahay qof aan ​​lahayn astaamaha xanuunka.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa ku waramaysa in lamaanaha Berlusconi oo 30 jir ah, Marta Fascina, sidoo kale laga helay fayraska. Ms Fascina, oo ah xildhibaanka ka tirsan xisbiga Forza Italia, ayaa kaligeed la geliyay karaanti.

Berlusconi ayaa dhambaal taleefoon u diray dadka u ololeeya xisbiga ee Genoa khamiistii isagoo leh “waxaan sii wadaa inaan sida ugu wanaagsan ee aan ugu shaqeyn karo ololaha doorashada hada socda”. Dhanka kale, wuxuu sheegay inuusan garanaynin sida uu ku qaaday fayraska.

Dalka Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka Yurub uu ee sida ba’an u saameeyay cudurka safmarka ah ee Corona Fayras tan iyo markii uu ka dilaacay adduunka.

SHARE