Ra’iisul Wasaare Rooble oo warqad u diray Madaxda dowlad Goboleedyada

533
Ra'iisul Wasaare Rooble oo warqad u diray Madaxda dowlad Goboleedyada. Sawirka/ OPM

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa warqad qoraal u diray dhammaan madaxda dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay xaafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa looga codsaday Madaxda dowlad Goboleedyada in xubnaha labada guddi ku soo xulaan si
waafaqsan shuruudaha habraaca lagu heshiiyey iyadoo la tix-galinayo jadwalka
doorashooyinka.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa laga codsaday in ay soo gudbiyaan magacyada
Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo
Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Qoraalka xasuusinta ah ee loo diray dowlad Goboleedyada ayaa lagu xusay in la dhaafay waqtigii laga sugayey in ay
soo gudbiyaan magacyada min-laba (2) xubnood oo ka kala mid noqonaya labada
guddi oo kala ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal 2020/2021 iyo Guddiga
Xallinta Khilaafadka taasoo waqtigii jadwalka uu ahaa 10/10/2020, oo ay 10
maalmood dib uga dhacday.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa la laga codsaday in ay ku soo gudbiyaan magacyada xubnaha labada guddi oo kor ku xusan, ugu dambeyn 20ka Oktoober 2020, iyadoo oo la tixgelinaayo ka qayb galka Haweenka.

Waxaa Sidoo kale, laga codsaday in ay soo gudbiyaan magacyada min-
sideedda (8) xubnood ee Guddiga Maamulka Doorashooyinka Dowladaha
Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ugu dambeyn 20ka Oktoober 2020, si
loogu soo saaro faafinta rasmiga ah ee JFS.