Ra’iisul Wasaare Rooble oo Suxufi caan ah u magacaabay Afhayeenka Xukuumadda

160

Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maxamed Ibraahim Macallimuu u magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Macalimuu oo ah Suxufi rug caddaa ah ayaa horrey uga soo shaqeeyay Idaacadda BBC-da laanteeda Af-ka Soomaaliga oo uu magalaada Muqdisho uga soo warami jiray. Waxaa uu sidoo kale soo noqday Xoghayaha Guud ee ururka Suxufiyiinta Qaranka ee FESOJ.

Ra’iisul Wasaare ayaa maanta sidoo kale u magacaabay Dr. Maxamed Ibraahim Nuur in uu noqdo xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Waxaa uu beddelayaa Cabdirisaaq Caato oo xilkaas laga qaaday.

SHARE