Ra’iisul Wasaare Rooble oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

150

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta soo gabagabeeyay safar 3 cisho qaatay ee ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intii uu ku sugnaa Koofur Galbeed waxa uu la kulmay madaxda Koonfur Galbeed, qeybaha kala duwan ee bulsbahada isagoo sidoo kale booqday xerada 60aad ee ciidanka xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale xarigga ka jaray mashaariic kala duwan oo isugu jira Iskuullo, xarumo caafimaad iyo adeegyo kale oo dowladdu ka hirgaliay Koofur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Rooble ayaa dhagax dhigay dhowr mashruuc oo ay ka mid yihiin xarumo caafimaad, dhismeyaal wasaaradeed iyo goobo waxbarasho oo Dowladda Federaalka Soomaaiya ka hirgalineyso Koofur Galbeed Soomaaliya.

SHARE