Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta xilka la wareegaya

752
Baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble.

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa in xilka xafiiskiia la wareego.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo 23kii bishaan September ay codka kalsoonida siiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xilka kala wareegaya sii-haya xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed oo xilkaas ku sime ka ahaa tan iyo markii Ra’iisul Wasaarihii Xasan Cali Kheyre hore xilka laga qaaday.

Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa la socota munaasabadda xil wareejinta Ra’iisul Wasaaraha cusub iyadoo xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay ka qeybgalayaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marka uu xafiiska la wareego waxaa horyaalla arrimo muhiim ah oo ay ugu horreyso soo dhisada Xukuumadda cusub iyo maareynta xaaladaha kala guurka ee Doorashooyinka dalka.