Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa

250

Garowe: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FederaalkaSoomaaliyaMaxamed Xuseen Rooble oo shalay gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Karaash.

Kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda Puntland ayaa looga hadlay wadashaqeynta dowladda Federaalka iyo Puntland, Doorashoooyinka, Adeegyada bulshada.

Shirka ayaa sidoo kale diirada lagu saaray arrimaha Doorashooyinka dalka ee muranka badan uu ka taagan yahays, iyo sidii loo xalin lahaa.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shalay gaaray Puntland ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulan la qaato qeybaha kale duwan bulshada rayidka.

SHARE