Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

805

Muqdisho – Ra’iisul Waasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya oo ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen Wakiilka Qaramada Midoobeey iyo Midowga Yurub ayaa looga hadlay sidii ay loo xalin lahaa ismari waaga Doorashada iyo ka Mira dhalinta heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka u xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay xal u helista arrimaha doorashooyinka iyo in ay si shuruud la’aan ugala xaajooto cid kasta oo ay khuseyso, ayna furan tahay gogoshii wadahadalka arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan mar kale u xaqiijinnay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay doorasho dalka ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan,si waafaqsan heshiisyadii doorashada la xiriiray ee horay loo gaaray, wadahadalna lagu xalliyo madmadowga jira”. Ayuu yiri.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilka Beesha Caalamka ayaa imaanaya kaddib markii shalay ay kulan la qaateen Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada oo ay kala hadleen khilaafka Doorashooyinka ka taagan.