Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku tagay maanta Dekedda wayn ee magalaada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay weheliyaan Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirka Dekeddaha Maryan Aweys Jaamac ayaa booqday qeybaha ay ka kooban tahay Dekedda Muqdisho iyo shaqooyin maalinla ah ee ka socda Dekedda dhexdeeda.
Wasiirkka Dekeddaha Maryan Aweys oo warbixinta la hadashay booqashada Ra’iisul Wasaaraha kaddib ayaa sheegtay in kormeerka Ra’iisul Wasaaraha uu ahaa inuu wax ka ogaado waxyaabihii ka hirgalay heshiiska dhawaan ay kala saxiixdeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shirkada AlBayrak ee maamusha Dekedda Muqdisho kaasi oo dhigayay in ay hormariso Dekedda sidoo kale hawlo ballaarin ah ay ka samayso.
Wasiirada ayaa sido kale sheegtay in hawshaas ay meel fiican marayso ayna shirku bilowday shaqada lagu hormarinayo Dekedda Muqdisho.
Dekedda wayn ee Muqdisho ayaa ka mid ah ilaha muhiimka ah ee dhaqaalaha dalka marka.