Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddoomiyey shirka guddiga amniga iyo Caddaaladda (CAS) kaasi oo ka dhacay Hangar garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Shirkaan oo bile ah ayaa looga hadlay arrimaha amniga dalka, xaaladaha kala guurka ee amniga Doorashooyinka Qaranka iyo Siyaasadda iyo qorshayaasha amniga.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Hey’adda Caddaaladda iyo amniga, wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) iyo bah-wadaagta caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageerta dhinacyada amniga iyo caddaaladda.
Kulanka ayaa si gaar ah diirada loogu saaray arrimaha amniga Doorashooyinka dalka la filayo in ay ka dhacaan dhawaan iyo isku xirka Hey’adda amniga heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo kaalinta beesha caalamka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageerta arrimahaan.