Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

57

Dhuusamareeb – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, Guddoonka Barlamaanka Galmudug ,mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maalmahan soo socda joogi doono Dhuusamareeb ahaa Inta uu joogo waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka, nabadeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah booqashooyin uu ku tagi doono qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada dalka, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle si uga la hadlo dadaalada lagu dardar-gelinayo dedejinta arrimha Doorashooyinka Golaha Shacabka oo aad u daahay.

SHARE