Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada Caabudwaaq

701

Caabudwaaq: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray galabta degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Safarkaan waxaa ku wehlinayay Ra’iisul Wasaare Rooble Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo xubno ka tirsan maamulkiisa, wasiirro iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ku soo dhaweeyay magaalada dad aad fara badan oo ka kooban qeybaha kale duwan ee bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah booqasho uu ku marayo deegaanada maamulka Galmudug isagoo horrey u soo maray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato maamulka iyo masuuliyiin degmada Caabudwaaq inta uu ku sugan yahay.