Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka magaalada Baydhabo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagaren, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Fiqi, Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan horudhac ah kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Madaxweyne Laftagareen iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Fiqi.
Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku tagay magaalada ayaa qeyb ka ah booqashooyin uu ku mari doono inta badan dowlad Goboleedyada dalka.