Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Yuusuf Odowaa Yusuuf ayaa booqasho ku tagay maanta Degmadda Awdheegle ee Shabeelaha Hoose oo ay degan yihiin ciidanka xoogga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xuska aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kula qaatay Ciidanka Milatariga ee jiidda Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa bogaadiyey guulaha isdaba jogga ah ee dhiiranaanta leh oo Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka argagixisada Al-Shabaab kaddib dagaalkii dhawaan halkaas ku dhex maray Awdheegle iyo Bariire.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale kormeeray Degmadda Awdheegle iyo fariisamaha ciidanka ee halkaasi ku yaalla.