Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Midowga Musharaxiinta. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Midowga Murashaxiinta uu la kulmay waxa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ku wehliyay Madaxweyneyaassha Dowlad Gboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe.
Ujeedka kulankaan ayaa ahaa,si loo sii xoojiyo xasilloonida caasimadda kadib qalalaasihii dhawaan dhacay iyo arrimaha doorashooyinka ee ismariwaaga ku taagan yahay.