Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Masar oo ku kulmay Sharma-sheekh

487

Ra’iisul wasaare ku xiggeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Magaaladda Sharma-sheekh kula kulmay Raiisul Wasaaraha Dalka Masar Sherif Ismaaciil Moxamed.

Labada masuul, ayaa waxay ka wada hadleen Arrimaha Amniga, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha Masar, ayaa ballan qaaday inay dawladdiisu ka caawin doonto Soomaaliya dhammaan arrimahaas ay ka wada hadleen, isagoo sheegay inay mar walba ay barbar istaagayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Dowladda Masar, waxayna ay ka wada hadleyn dhinacyo badan oo arrimaha amaanka ay ugu muhiimsaneyd, waxaana R/wasaare ku xiggeenka Soomaaliya uu Masar kaga qeyb galayaa shirka dhalinyaradda adduunka oo halkaasi lagu qabanayo

SHARE