Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Nairobi

666

Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee JKI wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Monica Juma.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulami doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay inuu madaxda Kenya ka wada hadli doono xoojinta xiriirka labada dowladood, gaar ahaan iskaashiga la dagaalanka amniga iyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee labada dalka ka dhaxeeya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa u dhaxeeya muran ku saabsan xudeed baddeedka Soomaaliya oo dacwadeeda ay ka socoto maxkamadda Hauge ee dalka Netherlands.