Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Kismaayo

39

Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo gaaray maanta magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland, wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale magaalada ku soo dhaweeyay dad wayn aad u fara badan isagoo kula hadlay bartamaha magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho Madaxweynaha Jubbaland sidoo kalena ay ka wadahadlaan xoojinta iyo wadashaqeynta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo dowladda Dhexe oo bilooyinkii ugu dambeeyay khilaafka hareeyay.

Waa booqashadii labaad ee uu magaalada Kismaayo ku tago Ra’iisul Wasaare Kheyre tan iyo markii uu xilka qabtay.

SHARE