Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

94

Dhuusamareeb – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee magaalada Dhuusamareeb wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo la yeelan doono madaxda Galmudug ee ku sugan maagalada Dhuusamareeb iyo qeybaha kale duwan ee bulshada.

Maamulka Galmudug ayaa hadda u kala jabay labo garab iyadoo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu guuray magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka ah ee Galmudug. Xaaf ayaa ku dhawaaqay inuu buray heshiiskii Jabuuti Ahlu-Sunna iyo Galmudug isagoo sidoo kale ku shaaciyay in la qabanayo doorashada Baarlamaanka iyo madaxda fulinta.

Lama oga waxa Ra’iisul Wasaare ka beddeli doono xaalada kala qeybsanaanta ah ee ka jirta Galmudug iyo sida uu u wajihi doono.

Dhankale, wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku shaacishay in doorashada Galmudug ay dhici doono 4-da bisha July ee sanadkaan.

SHARE