Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Baydbabo

413

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta gaaray magaalada Baydbabo ee xarunta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo aya waxaa garoonka diyaaraha Shaati Gaduud ee magaalada Baydbabo ku dhaweeyay madaxweyne Koonfur Galbeed Cabdiaziiz Xasan Maxamed Lafta- gareen iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdulkaadir Shariif Sheekhunaa iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeeed.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo la qaadan doono madaxda dowlad Goboleedka Koonfur iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulka.

Safarka Ra’iisul Wasaare ayaa ku saabsan booqasho uu ku marayo deegaanada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeeed, isagoo la filayo inta uu joogo inuu kulamo la yeesho qeybaha kale duwan ee bulshada Koonfur Galbeed.

SHARE