Dhuusamareeb – R’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dowladda Federaalka ka ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor “, madaxda maamul goboleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Waftida Ra’iisul Wasaare Kheyre hoggaaminayo ayaa magaalada Dhuusamareeb u tagay ka qeybgalka shirka wadatashiga ee Dowladda Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka si looga arrinsado arrimaha Doorashooyinka Qaranka iyo siyaasadda.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu berri gaaro magaalada Dhuusamareeb si uu uga qeybgalo shirkaan.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhawaan lagu soo gabagabeeyay shir laba maalin u socday Madaxda dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyadoo qoddobo muhiim ah laga soo saaray.