Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dalka dib ugu soo laabtay

625

Ra’iisul Wasaaradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqasho uu ku tagay dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamanka iyo wasiirro.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa magaalada Washington uga qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Spring Meeting oo looga hadlo dhaqaalaha waddamada soo laabanaya. Waxaana safarkiisa ku wehliyay wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamal Maxamed Xasan.