
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo.
Xasan Cali Khayre, ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Diblumaasiga sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya gabadha la yirahdo Veronique Lorenzo, ayaa kawada hadlay qodob dhowr ah.
Sida ay ku warantay wakaaladda weerarka Soomaaliya ee Somali National News agency (SONNA) Mr. Kheyre, ayaa midowga Yurub mahad celiyey taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Danjiraha Midowga Yurub Veronique Lorenzo, ayaa dhankeeda sheegtay in ay sii wadi doonaan taagerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, waxayna caddeysay in ay la dhacsan yihiin hanaanka Maamul ee ay haatan ku shaqeyso dowladda Toddobo bilood jirka ah ee Soomaaliya.