Ra’iisul wasaare Khayre oo digniin u diray Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir (Dhagayso)

950

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in loo baahan yahay masuuliyiinta Maamulada Degmooyinka inay gutaan waajibaadka Qaran ee saaran.

Isaga oo ka hadlaayay kulan ammaanka ku saabsan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa Gudoomiyeyaasha Degmooyinka wuxuu sheegay qofkii gudan waayo waajibaadka qaran ee saaran in xilka laga qaadaayo.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu tilmaamay Saraakiisha ciidamada in laga doonaayo askarigii qaban waayo shaqada qaranka in laga ruqseeyo shaqada, si la mid ah sidaasina Gudoomiye Degmo oo shaqadiisa qabsan waayo in shaqada laga ruqsaynaayo.

Sida muuqata Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku adkeynaya Maamulada Degmooyinka inay gutaan waajibaadka Qaran ee saaran maamulada Degmooyinka, islamarkaana ay qabtaan shaqooyinka qaranka.

Hoos ka dhagayso codka Ra’iisul wasaaraha