Home Wararka Maanta R/wasaare Khayre oo ku baaqay in loo gurmado shacabka lala beegsaday qaraxyadii...

R/wasaare Khayre oo ku baaqay in loo gurmado shacabka lala beegsaday qaraxyadii Muqdisho

821
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Galabta ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

R/wasaare kheyre, ayaa qaraxaasi ku tilmaamay mid Argagixisinimo,  waxaana uu tilmaamay in dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ay ahaayeen shacab waxba aan galabsan.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka iyo maamulka Gobolka banaadir ay gurmad baaxad leh ay u sameeyeen dadkii qaraxa ku waxyeeloobay, dadka soomaaliyeed ayuuna ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka socda.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Warfaafinta, Guddoomiyaha Gobolka banaadir iyo masuuliyiin kale ayaa cambaareeyey qaraxa dadka badan ay ku wax-yeeloobeen qaraxii galabta ka dhacay Magaaladda Muqdisho, iyagoo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan gurmadka loo fidinayo Dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Qeybaha kala duwan ee Bulshadda, Waxgaradka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si isku ah u cambaareeyey qaraxan, iyaggoo  ku tilmaamay musiibo qaran.