Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Maraykanka

833

Wafddi ballaaran oo uu hoggaaminayo R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow oo fiidnimadana ah ka amba baxay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,iyagoo ku sii jeeda Dalka Mareykanka si ay uga qeybgalaan shir ka dhacaya magaalada (Washington DC).

Waxaa kamid ah wafdga ra’iisul Wasaaraha xubno ka tirsan Golihisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya shir looga hadlayay arrimaha wadamada soo koraya ee Soomaaliya ay kujirto ee sanadkan 2018ka,kaasi oo uu soo qaban qaabiyay Banggiga Adduunka.

Waxaa lafilaya in raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ay kulamo kaladuwan la yeeshaan madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi.