Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

95

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si lama filaan ah ugu guuleystay abaalmarinta heerka caalami ee billadda Nabadda ee loo yaqaano ‘Noble Peace Prize’ oo sannadkiiba mar la bixiyo.

Abaalmarintan uu ku guuleysay Abiy Axmed ayaa loo sababeeyay dowrkii uu ka qaatay dadaalka nabadeynta ee Itoobiya iyo wadanka ay mudadda dheer colaada kala dhaxeysay ee Eretriya oo uu soo afjaray kadib markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Abiy Axmed. Waxaa midaas garab socotay siyaasad ku dhisan furfurnaan iyo iskaashi heer gobo loo uu la yimid Ra’isulwasaare Abiy Axmed midaas oo horseeday inay dalalka Soomaaliya iyo Eretriya oo uu xumaa xiriirka dibloomasiyadeed ee ka dhaxeeyay inay heshiis ka gaaraan xurguftii u dhaxeysay isla markaasna ay caasimadaha Muqdisho iyo Casmara ay booqashooyink ku kala bixiyaan madaxda labada dal.

Ra’isulwasaare Abiy Axmed oo muddo kooban hayey talada dalka Itoobiya ayaa badalay siyaasadii arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo midii gudaha dalkiisa, isagoo hormuud u noqday isbeddelo dhinacyo kala duwan leh oo horseeday in kooxaha jabhadaha ee ka soo horjeeday dowladihii isxigay ee Itoobiya ay nabad qaataan kuna soo biiraan hannaanka siyaasadeed ee dalkiisa. Midaas ayay dad farabadan u arkaan isbedel saameyn weyn ku yeelan kara guud ahaan Geeska Afrika oo ay hore u ragaadiyeen colaado iyo faqri.

Abiy Axmed ayaa noqonaya qofkii boqolaad ee ku guuleysta abaalmarintan iyadoo guddiga bixiya abaalmaritani ay sheegeen inay ka dhigantahay dhiirigalin inuu sii wado  dadaalkiisa dib u heshiisiinta iyo nabadeynta ee gobolka Geeska Afrika.

SHARE