Ra’iisul Wasaaraha dalka UK,Theresa May, ayaa ku dhawaaqay in in ay is casilayso.
Ra’iisul Wasaaraha Britian ayaa sheegtay in ay hogggaamiyaha xisbiga muxaafidka ( Conservative Party) ee talada dalka haya iska casilayso 7 bisha June ee soo socota.
Ra’iisul Wasaare May oo khudbad jeedisay, ayaa sheegtay in ay samaysay wax kasta oo dadaalkeeda ah si ay qorshaha ka bixitaanka Midowga Yurub ee Britain u meel mariso taasi oo ay ku tilmaantay “qoomamo qoto dheer” oo ah in ay samayn waysay.
Innaan Ra’iisul Wasaare noqodo waxa ay u ahayd ” sharafta noloshayda”, ayay tiri.
Mrs May ayaa sheegtay in ay xilka Ra’iisul wasaare sii hayn doonto inta tartanka hoggaanka xisbiga muxaafidka dhacayso oo la soo dooranayo Hoggaamiyaha beddelaya.
Waxay micnaheedu tahay in ay wali ahaan doonto Ra’iisul wasaaraha marka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu booqasho ku tago UK horaanta bisha June.
Mrs May ayaa sheegtay inay sii wadi doonto hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka ee Tory, 7da Juun waxayna ku raaceen guddoomiyaha in tartanka hoggaamiyuhu uu bilowdo toddobaadka soo socda.
Boris Johnson, Esther McVey iyo Rory Stewart ayaa dhammaantood sheegay in ay doonayaan in ay u ordaan hoggaanka xisbiga, halka in ka badan darsin kale la aaminsan yahay in ay si dhab ah uga fakarayaan inay galaan tartanka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulantay wajigabax uga yimid xildhibaannada iyaga oo ka soo diiday qorshaheedii ugu dambeeyay ee ka bixitaanka Midowga Yurub, oo ay ku jirto heshiiskii lagu taageerayay soo jiidashada taageerada xisbiyada.
Is casilaada Theresa May, waxa ay wadda u xaaraysaa loolan ama tartan lagu go’aansanayo Ra’iisul Wasaaraha beddelaya.