Ra’iisul Wasaaraha UK oo wajahaysa cod kalsooni kala noqosha ah

412
Ra'iisul Wasaaraha UK Theresa May ayaa wajahayso cod kalsooni kala noqosho ah. Sawirka: Reuters

Xildhibaannadda Baarlamaanka ee ka tirsan xisbiga Ra’iisul wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa bilaabay cod kalsooni kala noqosho hoggaankeeda, iyadoo isku dayga UK ay ku doonayso in ay uga baxdo Midowga Yurub ay isku beddeshay qas siyaasadeed oo gudaha ah.

Graham Brady, oo ah Guddoomiyana Guddiga baarlaamnaka muxaafidka ee 1922, ayaa sheegay iin gaaray 48 codsi oo loo baahnaa in codeynta loo helo.

Codeynta waxaa lagu qaban doonaa inta u dhexeysa 18: 00-20: 00 saacada UK,  qolka guddiga baarlamaanka ee aqalka hoose ee Baarlamaanka UK, ayuu ku daray. Natiijada waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo wax yar ka dib.

Ra’iisul Wasaare May waaa inay ku guuleystaa taageerada in ka badan 50 boqolkiiba dhammaan 315 Xildhibaannada xisbiga Konserfatifka si ay uga badbaado codka. Haddii ay lumiso, 62-sano jirkaan waxaa lagu qasbi doonaa in ay iska casilo hoggaamiyaha xisbiga waxa ayna u muuqan doontaa in ay sheegi shaacin doonto taariikhda ay ka dagayso xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa ay sheegtay ” in ay  codka isaga difaaci doonto wax walba oo ay awoodo”, iyada oo sheegtay in Ra’iisul Wasaare kasta oo cusubi u baahan doono in la tirtiro ama la kordhiyo Qodobka 50-aad ee ka bixitaanka qaraarka dastuurka Midowga Yurub – “dib u dhig ama xitaa joojinta kara qorshaha ka bixitaanka Britain ee Yurub”.

SHARE