Ra’iisul Wasaaraha Suudaan oo ka badbaaday isku day dil

126
Ra'iisul Wasaaraha ayaa la sheegay markii qarax lala bartilmaameedsanayay inuu ku sii jeeday xaafiiska sida ay sheegeen warbaahinta maxaliga. Sawirka/ Baraha bulshada

Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan Abdalla Xamdok ayaa ka badbaaday isku day dil oo ka dhacay caasimada Khartuum, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Hamdok ayaa loo cararay goob amni ah kadib qarax isniintii lala beegsaday kolonyadiisa, telefishanka dowlada ayaa sheegay.

Xubnaha xafiiska Hamdok ayaa u xaqiijiyay telefishinka Al Jazeera in Ra’iisul wasaaruhu “joogo meel aamin ah”.

“Kolonyada Ra’iisul wasaaraha ayaa la weerarey … xilli uu ku sii jeeday xafiiskiisa,” sida uu sheegay Telefishinka ee Al Jazeera.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka ilaa iyo hadda.

SHARE