Ra’iisul Wasaaraha muranka badan uu ka dhashay ee dalka Sri Lanka Mahinda Rajapaksa ayaa xilka iska casilay, taasi oo soo afjaraysa toddobaadyo qalaalse siyaasadeed oo dhaliyay in dalka aysan ka jirin dowlad dhexe oo shaqaynaysa.
Rajapaksa ayaa ku hor saxiixay taageerayaashiisa iyo warfidiyeenka warqada is casilaadiisa maanta sabti ah magaalada Colombo ee caasimadda Sri Lanka.
73-jirkaan horey u soo noqday madaxweynaha Sri Lankan ayaan saaxaafada siin wax faahfaahin ah oo kale.
Iscasiladiisa waxa ay soo afjaraysaa qalaalse siyaasadeed oo toddobaadyo ka jiray dalka Sri Lanka.
Sri Lanka ayaa ku jirtay xaalad adag tan iyo bishii Oktoobar kaddib markii Madaxwayne Maithripala Sirisena uu shaqada ka eryay Ra’iisul Wasaare Ranil Wickremesinghe oo loolan adag dhanka awood ah soo kala dhexgalay isagoo ku beddelay Rajapaksa, oo ah hoggaamiye caan ah oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo ku xadgudubyo xun xun oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.