Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeedin doona shirka dhaqaalaha adduunka

721

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah uu khudbad ka jeediyo shirka dhaqaalaha adduunka ee ka soconaya magaalada Davos ee Dalka Swezerland.

Khudbadda ayuu Ra’iisul wasaaraha kaga hadli doonaa dhinacyo badan oo quyseeya dhaqaalaha Soomaaliya.

Faadumo C/laahi Insaani, Safiirk Soomaaliya ee Swezerland ayaa warbaahinta dowladda u sheegtay in Ra’iisul wasaaraha uu maanta madaxda ka qeybgalaysa shirkan kahor jeedin doono khudbad xasaasi ah.

Waxay sheegtay in khudbaddan uu diiradda ku saari doono Ra’iisul wasaare Kheyre arrimo ku aadan baahiyaha dowladda Federaalka iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka.

Sidoo kale, Kheyre ayaa la filayaa in shirka kadib uu kulamo kala duwan la qaado madaxda ka qeybgalyesa shirkan oo arrimo muhiim ah kala hadli doono