Ra’iisul Wasaaraha dalka Ruushka Mikhail Mishustin ayaa isbitaalka tagey kaddib markii laga helay cudurka Corona Fayras.
Baaritaanka laga qaaday ee ah inuu Corona Fayras uu qabo ayaa timid isla maalinta ay dowladda Ruushku ay diiwan gelisay 7 kun iyo 99 sagaal kiisas ah, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka qaba xanuunka Corona Fayraska 100,000 kun.
Mr Mishustin ayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay bishii January isagoo si firfircoon ugu lug lahaa dagaalka uu Ruushku kula tacaalayo safmarka Corona Fayras.
Telefishinka Ruushka laga leeyahay ayaa baahiyay isagoo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin u sheegaya in cudurka laga helay.
” Waxaan ogaaday in baaritaanka Coronavirus ee laga qaaday uu sheegay in aan qabo,” Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidaas yiri intii lagu guda jiray wicitaan muqaal ah uu kula hadlayay Madaxweyne Putin.
Mr Mishustin ayaa soo jeediyay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 1aad Andrei Belousov uu shaqadiisa sii wadi doono iyadoo Madaxweyne Putin ku raacay. Mr Mishustin ayaa hadda geli doono xaalad iskaraantiil ah.