Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo la kulmay Madaxweynaha Shiinaha

420
Ra'iisul Wasaare Imran Khan ayaa Beijing kula kulmay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Sawirka VOA

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Pakistan, Imran Khan, oo booqasho afar maalin ah ku jooga dalka Shiinaha ayaa la kulmay Madaxweyne Xi Jinping taasi oo ah safarkii igu horreyay ee uu dalka uga baxo tan iyo markii xaafiiska la wareegay bishii Agoosta ee sanadkaan. Booqashada ayaa imaanaysa iyadoo Pakistan ay wajahayso dhibaatooyin dhaqaale, iyadoo kaalmo dhaaqaale oo dibad ah raadinaya, sidoo kalena wadahadal lacag lagu dayminayo at kula jirta hey’ada lacagta adduunka ee IMF.

Shalay, Ra’iisul Wasaare Khan ayaa la kulmay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, isagoo u sheegay in dalkiisa uu wajahayo xaalad dhaqaale oo aday. Madaxweyne Xi iyo Ra’iisul Wasaare Khan midna kama uusan hadlin wax kaalmo dhaqaale ah suuragal ah, laakiin madaxwaynaha Shiinaha ayaa ka hadlay si ay uga go’antahay xoojinta xiriirka China-Pakistan ka dhexeeya taasi oo ku tilmaamay ” xiriirka staraatiijiyada iskaashiga.”

Pakistan ayaa raadinaya 8 bilyan oo doollar oo amaah ay siiso hey’adda lacagta adduunka ee IMF.

SHARE