
Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Shahid Khaqan Abbasi ayaa booqasho Ku tagay dalka dariska la ah dalkaasi ee Afghanistan.
Shahid Khaqan Abbasi, ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan ayaa magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan kula kulmay Madaxwaynaha dalkaasi Ashraf Qaani.
Labada hogaamiye ayaa sida warbaahinta Pakistan iyo Afghanistan ay Ku waramayaan waxaa ay ka wada hadleen arrimo Ku aadan nabad galiyada gobalkaasi iyo geedi-socodka nabadeed ee dalka Afghanistan.
Kulanka ka dib war-saxaafadeed si wada jir ah ay u soo saareen Ashraf Qaani iyo Shahid Khaqan Abbasi ayaa waxaa baaq nabadeed loogu diray kooxda Taalibaan ee ka dagaalama labadaasi dal ee dariska ah waa Pakistan iyo Afghanistane.
“Labada hogaamiye waxaa ay kooxda Taalibaan ugu baaqeen inay si haboon kaga soo jawaabaan baaqa nabadeed si deg deg ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Pakistan Shahid Khaqan Abbasi maanta oo Sabti ah.
Labada hogaamiye ayaa sidoo Kale waxaa ay isku raaceen ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka inaan jiri doonin xal dagaal loogu raadinayo colaadda dheeraatay ee dalka Afghanistan.
” Xalka Kali ah ee lagu soo afjari karo colaadda Afghanistan waa mid siyaasadeed ee xalka kuma jiri in dagaal lagu raadiyo” war-saxaafadeedka ayaa sidaa lagu yiri.