Ra’iisul Wasaaraha Pakistan “Ma aqoonsan doono Israa’iil”

101
Ra'iisul Wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan.

Islamabad: Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in dalkiisu uusan aqoonsan doonin Israa’iil ilaa ay ka jirto dowlad Falastiin oo ay aqbali karaan Falastiiniyiinta.

Wareysi uu siiyay telefishinka maxalliga ah ee Dunya News, ayuu Khan ku sheegay Talaadada Islamabad aysan raaci doonin waddadii loogu aqoonsaday Israel in ay tahay dowlad, isagoo si aan toos ahayn u la jeeday Imaaraatka Carabta taasi oo dhwaan heshiis uu Mareykanku garwadeen ka ahaa usbuucii la soo dhaafay la saxiixtay si caadi looga dhigo xiriirka Israel iyo Imaaraadka.

“Waxkastoo dalkasta sameeyo, mowqifkeenu waa mid aad u cad. Mowqifkeenana waxaa cadeeyay [aasaasaha Pakistan] Quaid-e-Azam Muhammad Ali Jinnah … sanadkii 1948: in aanaan aqbali doonin Israa’iil inta Falastiin aan la siinin xuquuqdooda iyo inta Israel ka joojinayso dhulka ay dhisayso, ”ayuu yiri Khan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Boqortooyada Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farhan ayaa wariyeyaasha u sheegay mar uu booqanayay caasimada Jarmalka ee Berlin.

Dhanka kale, Sacuudi Carabiya waxay sheegtay Arbacadii inaysan raaci doonin tallaabadii Imaaraatka Carabta sidii ay xiriir diblomaasiyadeed ula yeelan lahaayeen Israel illaa ay kala saxiixdeen heshiis nabadeed oo caalami ah oo ay la wadaagayaan Falastiiniyiinta.

“Waa in nabad lagalaa Falastiin ay ku salaysnaato heshiisyada caalamiga ah oo shuruud u ah wax kasta oo xiriirka ka caadi ku soo celinaya” Wasiirka arrimaha dibedda ee Boqortooyada Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farhan ayaa wariyeyaasha u sheegay mar uu booqanayay caasimada Jarmalka ee Berlin.

Heshiiska Imaaraadka iyo Israa’iil ayaa waxaa ka soo horjeestay dalalka Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga iyagoo sheegay in ay garab taagan yihiin Falastiiniyiinta.

Isra’ iil iyo Imaaraadka ayaa toddobaadkii hore kala saxiixday heshiis uu garwadeen ka ahaa Mareykanka kaas oo looga gol leeyahay sidii caadi looga dhigi lahaa xiriirka labada dal. Falastiiniyiinta ayaa heshiiska ku tilmaamay khiyaano dhabarka looga midi looga gelinayo Falastiiniyiinta.

SHARE