Ra`iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta magacaabay guddi heer wasiir ah oo aqalka sare kala shaqeyn doona wax ka qabashada cabashooyinka maamul goboleedyada qaar.
Guddigaan oo laga xusay warqad uu maanta soo saaray ra`iisul wasaare Kheyre ayaa waxa ay kala yihiin:
- Wasiirka arrimaha gudaha, federaaleynta iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye (Guddoomiyaha guddiga).
- Wasiirka arrimaha dastuurka: Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil(Xubin).
- Wasiirka maaliyadda: Cabdiraxmaan ducaale Bayle (Xubin)
- Wasiirka amniga gudaha :Maxamed Abuukar islow(Xubin)
Ra`iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu rajeynayo in guddigaan wasiirada ay aqalka sare kala shaqeeyn doonaan wax ka qabashada cabashooyinka ay aqalka sare usoo gudbiyeen maamul goboleedyada qaar.