Ra’iisul Wasaarah Malaysiya Mahathir Mohamad ayaa ku dhawaaqay iscasilaadiisa taas oo wadada u xaareysa suurtagal in la soo dhiso xukuumad cusub.
Mahathir wuxuu ku sheegay qoraalka iscasiladiisa inuu ku wargaliyay boqorka wadanka iscasilaadiisa 1-dii habeenimo ee Kuala Lumpur waqtiga dalka Malaysia.
Xisbiga Mahathir, Parti Pribumi Bersatu Malaysia, ayaa sidoo kale iska casilay isbahaysiga dowladda ee xukunka haysa, Pakatan Harapan (Isbahaysiga Rajada), sida uu sheegay madaxweynaha xisbiga, Muhyiddin Yassin, oo qoraal soo dhigay boggiisa baraha bulshada.
Go’aanka Mahathir wuxuu daba socdaa isbuucyo rabshado siyaasadeed ka dib, markii la sheegay habeenimadii Axadda inuu xisbigiisu qorsheynayo inuu soo dhiso xukuumad cusub oo meesha ka saaraysa ninkii lagu waday inuu beddelo magacaaby, Anwar Ibrahim.
Ra’iisul Wasaare Mahattir oo 94 jir ah ayaa awoodda qabtay sanadkii 2018.
Waxaa uu si aan la filayn doorashada uga guulaystay,Najib Razak, kaasoo lala xiriiriyay fadeexad lacageed oo dhan bilyan doollar oo ay ku lug laheyd oo ah layd dowlddu.
Mr Mahathir wuxuu xukumay siyaasada Malaysiya muddo tobanaan sano ah – wuxuu horey u soo noqday Ra’iisal Wasaare sanadkii 1981 ilaa 2003, wuxuuna kamid ahaa xisbiga mudada dheer xukunka hayay Barisan National.