Xukuumadda dalka Lubnaan ayaa iscasilay iyadoo carada ka dhalatay qaraxii weynaa ee Talaadadii ka dhacay qeybo ka mid ah Beirut uu sii kordhayo kaasi oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 200 qof.
Ku dhawaaqida is casilaada Xukuumadda Lubnaan waxaa Telefishinka toos uga shaaciyay Ra’iisul Wasaare Xasan Diab.
Dad badan ayaa ku eedeeyey hogaamiyaasha Lubnaan dambiyo eedeymo la xiriira dayacaad iyo musuqmaasuq.
Dibad-baxayaasha ayaa qaaday waddooyinka waxaana ay isku dhaceen booliska maalintii saddexaad oo xiriir ah.
Qaraxii weyne ee ka dhashay waxyabaha laga sameeyo walxaha qaraxa ee loo yaqaan amooniyam oo 2,750 kiilo ah kaasi oo bakhaar dekadda u dhaw lagu keydiyay.
Tirada dhimashada qaraxan ayaa gaartay 220 Isniintii iyada oo 110 qofna la la’yahay, Guddoomiyaha magaalada Beirut Marwan Abboud ayaa sidaa u sheegay shabakadda wararka ee al-Marsad Online.
Dad badan oo ka mid ah shaqaalaha ajanabiga iyo wadayaasha gawaarida ayaa ka mid ahaa dadka la waayey, ayuu u sheegay telefishinka Al Jadeed TV.
Qarixii weynaa wuxuu waxyeelo gaarsiiyay dhismayaal masaafo dhowr kiiloomitir u jira Beirut, taasoo keentay in ka badan 200,000 oo qof ay guri la’aan noqdaan ama ku guryihii ay deganayeen daaqadihii iyo albaabbo ka jajabeen qaraxa awgii.